Fikradda furitaanka Global Somali TV waxa ay soo socotay illaa sanadkii 2020-kii, balse waxaa la hirgalliyay maalin Sabti ah 21-kii bisha January 2023. Waxaana TVga lagu aas-aasay oo xarun u ah magaalada London ee dalka UK.

Global Somali TV waxaa furay ama aas-aasay Wariye Mohamed Said Asahaaf oo muddo ku dhow 20 sano ka soo shaqeynayay qeybaha kala duwan ee Warbaahinta, gaar ahaan dhanka Taleefishinka iyo Radio-yaha.

Global Somali TV waxaa saldhig u ah:
– In la hello Warar sugan.
– Barnaamijyo Tayo Wanaagsan.
– Warbixino ku saleysan xaqiiqada.

Bahda Global Somali TV waxaa ka go’an:
– Wacyigallinta Qeybaha Bulshada oo dhan.
– Iftiiminta sheekooyinka iyo xogaha qarsoon.
– Dhiiri-gallinta Dadka-Ku-Dayashada mudan.

Global Somali TV waa Taleefishin Digital ah oo aad kala socon kartiin dhammaan boggaga kala duwan ee aan ku leenahay Baraha Bulshada, sida:

– Website: www.globalsomalitv.com
– Twitter: https://twitter.com/GlobalSomaliTV
– Instagram: https://www.instagram.com/globalsomalitv/
– YouTube: https://www.youtube.com/@MSAsahaaf/videos
– Facebook: https://www.facebook.com/GlobalSomaliTelevision

Global Somali TV wuxuu fursad siinayaan dhammaan daawadayaasha ku xiran, isla markaana waxaan soo dhaweyneynaa fikradaha kala duwan si aan u sameyno barnaamijyo dheeli-tiran oo saameyn ku yeelan kara bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay Adduunka ka joogaan. Insha’Allah. Mahadsanidiin

Bahda Global Somali TV
London, United Kingdom.